La'aanta Cumar Seerbiya, fankeennu yuu u warrami lahaa?
Sida uu yiri Steve Jobs oo ah helaha shirkadda Apple mar uu ka hadlayay in aad jaceyl u qaaddo waxa aad qabaneysid ayaa yiri: “Habka keliya ee aad ku qaban karto shaqa sarreysa waa in aad si dhabba u jeclaataa waxa aad qabaneysid, haddii aadan taas sameyn, ma heli kartid xalka ugu wanaagsan.”
U gaar noqoshada adiga oo weriya ah xirfad kamid ah kuwa ay adag tahay werintooda marka laga eego habka saxan ee warbaahinta waa xalka keliya ee aad ku noqon karto guuleyste adiga oo dhiira gelin iyo tusaale u noqon kara jiil laba qeyb ka kooban sida kuwa kugu xilli ah ama kuwa dhalan doona.
Marka tusaale loo soo qaannayo shaqsiyaadka ka guul gaaray xirfaddooda tirsiga hore waxaa soo galaya Cumar Seerbiya oo loo arko in uu ifiye u ahaa fankeennii kaasi oo isbeddel aan la mahdin uu ku yimid kaddib burburkii dalka ka dhacay.
Cumar Cali Xasan oo ku caan ah magaca Seerbiya waxa uu 16-May 1991-kii ku dhashay duleedka Hargeysa isaga oo markii danbe degaan ka dhigtay isla magaalada oo uu wax ku bartay.
Cumar oo ah saxafi iyo qoraa diiradda saara arrimaha fanka ayaa hesyta laba darajood oo heerka koowaad ee jaamacadda ah gaar ahaan Warbaahinta iyo Waxbarashada, waxa uu sannadkii 2012, soo galay mihnadda warbaahinta oo uu ilaa iyo maanta ku guda jiro.
2013, waxa u gaar noqday ka sheekeynta arrimaha fanka isaga oo la yimid hal-kudheg oo uu ugu magac dhabay ‘Soo nooleynta fanka Soomaaliyeed' sida ay dad badan aamminsan yihiin Cumar waa uu ka dhabeeyay aragtida maalinkaa uu la yimid.
Fanka waa mid kamid ah waxyaabaha aan ku faanno iyada oo bulshadeennu yihiin kuwa badankood xiiseya, iyada oo xilligii dowladdii Kacaanka uu gaaray heerkii ugu sarreeyay oo xittaa fannaaniinteenu ahaayeen kuwa dalabyo ka heli jirey dalalka gobalka iyo caalamka intiisa kale.
1991-kii markii uu qaran burburka ku yimid dalkeenna waxyaabaha isbeddelay waxaa safka hore kaga jiray fanka iyada oo fannaaniitii la jaan qaadaay kaddib xilligaasi ahaayeen kuwa wixii ay doonaan ku heesaya isla markaanna qaar iyaga kamid ah oo aan awood u lehyn in ay si toos ah u heesaan la qurxiyo codkooda taasina uusan aheyn fanka saxda ah.
Balse Cumar waxa uu la yimid hab taas ka geddisan oo lagu soo saarayo dhallinayaro fannaaniin ah iyo kuwa aan aheyn kuwaasi oo hibo u leh ku heesidda kabanka oo runtii ay adag tahay in qof waliba uu ku heeso.
Fikirkan mahadsan waxa uu dhaliyay in seddexdii sanno ee ugu danbeyay uu kor u kacay xiisaha loo hayo garaacista kabanka iyada oo goobaha caweysyada iyo xilliyada dhallintu damaashaadka ku jiraan aannu ka harin kabanka, taasi oo meesha ka saartay fannaaniintii looga yeeri jirey goobaha caweyska ee ku heesi jirey codka gacan ku rimiska ah oo falashyada ugu jira.
“La'aanta dowladnnimo,xiisaha aan u hayo iyo waajibka innaga saaran badbaadinta fankeenna waa sababta igu dhalisay in aan isaga u gaar u noqdo.” Ayuu Cumar ugu warceliyay Raadsan Media mar la weydiiyay sababta uu ugu gaar noqday fanka.
Cumar keliya ma ahan saxafi sidoo kale waxaa u dheer in uu yahay qoraa dhigay buugaag badan dhawaanna rajaynaya in uu soo bandhigo buugaag kala geddisan, inta badan wakhtigiisanna waxa uu ku bixiyaa akhriska, intii uu Cumar ku guda jirey werinta heesaha kabanka waxay dhalisay in uu isaga barto sida loo garaaco kabanka.
Haddii aadan jeclaan shaqadaada kama guul gaari kartid, Cumar Seerbiyanna waa tusaalaha weli nool oo aan heysanno.
W/Q: Mohamed Hassan Mohamed oo ah helaha iyo dhigaha Raadsanmediablogspot.com
Kala xiriir farriin danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments