Kaddib 500 jeer uu guuldarreystay QM oo ugu danbeyn shaqaaleysiiyay Momo
Momo Bertrand ayaa ugu danbeyn shaqo ka helay Waaxda Baraha Bulshada ee Qarramada Midoobay kaddib markii uu guuldarreystay
500 oo jeer.
Waxa uu ku dhashay Douala ee dalka Cameroon, Bertrand
kaasi oo isku dayo badan sameeyay ayaa sheegay in uusan dhageysan jiri
hadallada diidmada ee ka imaanaya saaxibbadii ay isku fasalka ahaayeen kaddib
marka uu u bandhigo in uu ka shaqo ka raadinayo Qarramada Midoobay.
“Markaan u sheegay saaxibbadeyda, way igu
qosleen, marnaba adiga uma shaqeneysid UN-ka, halkii aad iyagu wax ka raadin laheyd
waa in aad shaqo barennimo ka raadisaa kindergarten kaasi oo ku yaalla San
Diego.” Ayuu yiri Momo.
“Ma dhageysan. Kaddib 500 jeer oo aan ku
guuldarreystay codsigeyga, waxaa la ii qaatay Waaxda Baraha Bulshada ee
ITCILO.org, oo kamid ah xarrumaha
Qarrmada Midoobay ayuu hadalkiisa raaciyay”.
No comments