Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Sheekada: Indhoole makaanik ah.





Emeka Abugu waa 37-sanno jir makaanik ah oo aan aragga waxba ka arki karin, waxaa lagu sheegaa in uu yahay makaanistaha ugu fiican ee bulshadiisa ku nool Enugu Ezike, koofurta-bari  Nigeria.

Waxa uu aragga beelay carruurnimadiisii kaddib markii ay haleeshay cudurka jadeecada, laakiin isma dhiibin tan iyo markaasi.

Waxa lasoo wariyay in xilligaasi aysan bulshadiisa heysan dawooyin kahor-tag ku sameysa jadeecada. Balse markii uu weynaaday, Abugu waxa uu booqday isbitaal si wax looga qabto dhibaatada indhaha ka haleeshay , laakiin waxaa lagu wargeliyay in aan waxba laga qaban karin baahidiisa.

Abugu hadda waxa uu heystaa todobo carruur oo uu quud ugu raadiyo farsamada makaanikada isaga oo aan u baahneyn qof caawiya xilliga lagu guda jiro shaqada.

Sida uu u sheegay BBC Africa waxa uu xirfaddan kaga daysaday aabihii oo dayactir ku sameyn jirey baaskiillada balse uu ugu danbeyn wax badan ka bartay.

Waxa uu ku nool yahay gurigiisa, kaasi oo aan dhammeystirneyn wakhti xaadirkaan, laakiin waxa uu khorsheynayaa in uu gabagabeeyo mustaqbalka.

Abugu waxa uu aad u jecel yahay qoyskiisa isaga oo u doonaya in todobadiisa carruur ay helaan aqoon tayo leh oo lagu kalsoonaan karo. “Guusheyda ugu weyn waa qoyskeyga, haddii uu Ilaah i siiyo lacag igu filan, waxaan jeclaan lahaa in aan carruurteyda u diro iskuulka,” ayuu hadalkiisa ku daray.


No comments