Jadaf Payeng: Ninka keymaha.
Saaxibyaal horey ma aanan u maqal sheeko ka
cajiibsan oo uu leeyahay shaqsi noocaan oo kale ah. Magaciisu waa Jadaf Payeng
isla markaanna nin beeraleey ah.
Ii oggolow in aad halkaan ka dhex akhriso billowga
sheekadiisa, Jadaf waa 60 sanno jir beeraley ah, waxa uu ku nool yahay guri
iska meel dhexaad ah oo ku yaalla Waqoyga India, balse dhinaca danbe ee
hoygiisa waxa uu ku arkay geedo sii dhimanaya, wabiga oo fatahaya, xayawaannada
oo sii cararaya iyo dhulka oo gabi ahaanba
isu beddelay lama degaan balse halkii uu wax la’aan ahaan lahaa beeraleygan waxa
uu sameeyay wax aad u sahlan.
Waxa uu beeray geed, maalin kasta waxa uu beertiisa
ka jarayey geedo waxaa uu lugeynayay 20 daqiiqo si uu usoo qaato doon maadaama
uu doonayay in uu ka gudbo wabiga
kaddibna waxa uu u lugeynayay muddo laba saac ah si uu u gaaro halka uu
doonayay in uu keynta u beddelo, tani waa cajiib waana uu sameeyay, maalinba
maalinta xigtay muddo seddex bilood ah sannad sannadka xigay oo ay ugu danbeyn
qaadatay 40 sanadood hadda waa keyn cagaaran. Jadaf waxa uu keyntiisa ku
sheegay in ay la eg tahay 550 hektar.
Sannado badan kaddib xayaawannada ayaa billoway
in ay degaansadaan halkan kuwaasi oo ay kamid yihiin Maroodiga, Shabeelka, Wiyisha
iyo Deerada. Keyntiisa waxa ay soo jiidatay duur-joogta.
Dadka Hindiya waxa ay ugu yeeraan ‘Ninka
Keynta,’ waxa uu guddoomay abaal-marino badan kaddib dadaalkiisa aan la iska
indha tiri karin oo uu sameeyay.
Sida ay ku billaabatay aragtida keynta,
markii uu usoo idlaaday imtixaamka fasalka 10-aad ayuu kasoo kici tamay Baligaon
Jagannath isaga oo dib ugu soo laabtay Aruna Sapori, balse nasiib darro waxa uu
arkay boqolaal masas ah oo weysan meel ay sal-dhigaan.
“Odeyaasheyda ayaan weydiiyay maxay sameyn
doonaan haddii aan dhammaateen hal maalin dhimano sida abeesooyinkan. Way qosleen
oo ay dhoola caddeeyeen, laakiin waan ogaa in aan sameyn doono goob cagaaran,” ayuu
u sheegay The Better India.
No comments