Kolkata: Borofeesar boqolaal carruurta darbi-jiifta ku quudiya hareeraha wadooyinka
Dalka
Hindiya waxaa ku nool carruur badan oo la dhibtoonaya nafaqa-darro. India
boqolkiiba 40% waxaa la sheegaa in ay dayacaan wax soo saarka cuntada. Si kastaba
tiro badan oo carruur ah ayaa ku dayacan waddooyinka dalkaasi, balse nasiib
wanaag qaar iyga kamid ah ayaa la kulmay Chandra Sekhar Kundu oo ah barre sarre
oo maadada kumbuyiitarka ka dhiga kuleejka Asansol ee galbeedka Bengal.
Waxa
uu ninkaan uu qorsheeyay in uu quudiyo carruurta faqiirrada ah ee qaba
baahiyaha kala geddisan, Chandra ayaa aas’aasay sannadkii 2016 hay’ad aan faa’ido-doon-aheyn
oo lagu magacaabo FEED (Waxbarashada Cunnada iyo Horumarinta Dhaqaalaha).
Isaga
waxaa ku wehliya hay’addan saaxibadiisa gaarka ah kuwaasi oo caawinaad u
fidinaya dadka taagta darran xittaa waxay diideen qaadashada lacago ay u arkaan
in ay ka imaaneyso shaqsiyaad kale balse waxay go’aansadeen in ay jeebkooda ka
jaraan.
Mar
uu la hadlayay Outlook India, Chandra ayaa yiri: “Uma imaan in aan lacag
sameeyo, dadka hantidooda ma dooneyno. Xubnaha FEED waxay dareesan yihiin in
aysan u baahneyn cunnada kaga imaaneysa maqaayadaha iyo hoteellada. Waxaa u
keydsan cunno wakhti dheer qaadaneyso. Innagu carruta ma siino cunno bolashay
ama isticmaalkeeda la dhaafay.
“Hay’adda
FEED waxa ay sidoo kale carruurta u fudisaa daryeel caafimaad ka sokow quudinta.
Waxay sidoo kale xarun caafimaad ka sameysay waddada dhinaceeda, halkaasi oo ay
ku diyaar yihiin dhaqaatiir si ay u daweeyaan carruurta darbi jiifka ah. Ilaa
hadda, waxay daweeyeen 150 carruur ah.
FEED
waxaa hareeraha waddooyinka ugu shaqeeya inka badan 40 dhakhaatiir, oo uu intooda
badan takhasuskoodu yahay carruurta. Ka sokow, dhammaan daaweyntu waxay ku
baxaan lacag la'aan daawooyinkana waa bilaash.
Dhaqaatiirta oo daweynaya carruurta. |
Dhacada
ceynkan ah inta badan dalkeenna waa ay ku yar tahay balse aqoonyahannada,
ganacsatada iyo shaqsiyaadka rabbi ugu deeqay hantida waa in ay daryeeli karaan
carruurteenna dhibaatada ay ku heysato hareeraha waddooyinkeenna.
No comments