La kulan- Haweeneyda 50-kii sanno lasoo dhaafay xannaaneysay 600 oo carruur
Linda
Herring had iyo goor waxa ay dooneysay qoys weyn. Laakiin ma aysan filaneynin
in ay xannaaneyn doonto in ka badan 600 oo carruur ah kuwaasi oo gurigeeda ka
helaya hoy, cunno, dhar iyo waxa ugu muhiimsan oo ah jaceyl aan dhammaad laheyn.
Hadda
waa 75 sanno jir, Herring waxa ay howshaan daryeelidda ah ku jirtay ku dhawaad
50 sanno oo ay ku xafideysay Johnson County ee gobalka Iowa dalka Mareynkanka.
Herring
iyo saygeeda Bob, waxa ay bilaabeen xannaaneyta carruurta markii ay ku
noolaayeen Oxford ee gobalka Iowa, waa ayna sii wadeen sameynta ficilkaan
markii ay usoo guuren Tiffin.
“Saaxiib-kayga
ugu wanaagsan waxa uu daryeeli jirey gabdhaha yaryar, anniguna waxaan
aaminsanna in ay wax fiican tahay sameynta ficilkaan, laakiin annigu waxaan
door bidi jiey carruurta yaryar,” ayay Herring
u sheegtay CNN-ka. “Waxaan la hadlay Waaxda Adeegyada Dadweynaha waa ayna
aqbaleen in la qaado carruurtan u baahan adeeg caafimaad.
Gabadha
ay ayeeyada u tahay ee Amber Herring ayaa Today u sheegtay: “Ayeeyadeey had iyo
goor wax u qabashada qof kasta ayay ka hormarisaa marka loo eego nafsaddeeda.
“Waxa
ay aheyd halyeygeyga tan iyo markii aan gabar yar ahaa, aad baan ugu
mahad-celinayaa.
Iyada
oo u warrameysa hillinka CNN-ka, Linda ayaa sharaxday dhiiri-gelinteeda: “Waan
ooyay markii ay carrurta ka dhaqaaqeen gurigeyga, dhib ma lahan inta ay halkaan
joogeen, waxa ay aheyd wax aad iigu adag in aan iyagu ku dhaho nabad-gelyo.
“Waxa
aan had iyo jeer is-weydiin jirey, ‘ Maxaan sidaan u sameynayaa?’ Maxaa yeelay
ma ahan wax fudud in aad iyagu tiraahdo nadab-gelyo.
“Laakiin
waan sii joogteeyay maxaa yeelay aad baan u jeclaa, waxa aan iyagu siiyay baahidooda
carruureed.
No comments