Daraasad: Dhirta lagu sharxo miiska shaqada oo ka qeyb ah yareynta wal-walka.
Dadka inta badan dareema culeys xagga
xafiiska ah, fadlan waa in aad qaadataa ogeysiiskan. Baarayaasha ayaa oggaaday
in dhirta yaryar ee lagu sharaxdo miiska shaqada ay qeyb ka tahay yareynta wal-walka
Daraasadda oo lagu daabacay HortTechnology
ayay kooxda cilmi-baarista waxay ku tijaabiyeen gudaha shaqada iyaga oo ula-gol-leh
dadka aysan suura galka u aheyn helidda degaan cagaaran si ay ugu maarmaan in
ay aadaan goobaha jawiga cagaaran.
“Wakhti-xaadirkan, inta badan dadka si buuxda
uma fahamsana faa’idada ay dhirta u
leedahay joojinta walaaca iyo fikirka badan inta la joogo goobta shaqada, ayuu
yiri cilmi-baare ka tirsan jaamacadda Hyogo oo lagu magacaabo Masahiro
Toyoda.
"Si aan u xakameyno xaaladaha noocaan oo
kale ah, waxaan go'aansanay in ay lama huraan tahay xaqiijinta ah in aan keeno
caddeyn cilmiyeed oo ku saabsan saameynta ay ku leedahay caafimaadka marka
goobta shaqada laga waayo dhir cagaaran," ayuu yiri Toyoda.
Kooxda cilmi-baarista ayaa baaritaan ku
sameeyay isbeddelada maskaxda kahor iyo kaddib marka shaqaaluhu ay ka agdhow
yihiin miiska la dhigo dhirta, iyada oo daraasaddan lagu sameeyay 63 goobood oo
ku yaalla dalka Japan.
Ma dhigi laheyd goobtaada shaqada dhir si ay
kaaga yareyso wal-walka?
No comments