La kulan- Ninka si maalinle ah u quudiya 8000 oo shimbiro ah.
15-kii sanno ee u dambeeyay, Joseph Sekar waxa
uu wakhtigiisa ugu badan ku bixiyay kaalmeynta shimbiro isaga oo u huray maal
iyo wakhtiba.
Waxaa magaalada Chennai ee dalka Hindiya
looga yaqaan ‘Ninka shimbaraha’, Sekar, waa koronto yaqaan isla markaanna dib u
habeyn ku sameeya kaamirada, waxa uu si maalinle ah u quudiyaa kummanaan kun oo
shimbiro ah . Waxa uu dhisma ku leeyahay xaafadda Triplicane, isaga oo halkaasi
ku quudiya 8,000 oo shimbirka Baqbaqaa ah.
Tani waxa uu si maalinle ugu quudiyaa 75
kiilo oo bariis ah isaga oo Sekar hantidiisa ka jara 40% dakhliga soo gala
bishii si uu usoo iibiyo cuntada carruurtiisa shimbiraha ah.
Waxa ay aheyd subax xaalku aannu wanaagsaneyn
27 Disembar 2004-tii markii Sekar uu arkay ku dhawaad shan shinbiro Baqbaqaa ah
oo fadhiya geeska hooygiisa kuwaasi oo isku dayay inay cunaan bariis gurigiisa yiilay.
Chennai waxaa ka dhacay dhulgariirkii ugu dhimashada badnaa dunida oo xittaa shimbiraha
ayaan badbaadin maalinkaa.
“Ku haynta bariiska iyo biyaha shimbiraha waa
caado qoys. Sidaa darteed markii aan u soo guuray Chennai soddan sanno kahor,
waan sii waday hawsha. Laakiin tani waa markii ugu horreysay oo aan arko Baqbaqaa
si joogto ah u imaanaya dhulkeyga. Taasi waxay ahayd billowgii isku daygaygii shimbiraha
qurxoon. Xittaa ma aanan oggeyn markii ay tiradu gaartay kummanaan, ”ayuu Sekar
u sheegay Better India.
Si maalinle ah saacaddu marka ay tahay 4-ta
habeennimo, ayuu Sekar hagaajiyaa halka ay wax ku quutaan shimbiraha iyada oo
ay nadiifinta qaadato muddo 20 daqiiqo ah.
Hoyga uu Sekar ku leeyahay Chennai waxaa usoo
daawasha tega dalxiissayaal badan oo dibadda ka imaanaya si ay u arkaan
shimbirahaan.
Kaddib markii ay maqleen caawinaadda uu u
fidinayo shimbiraha, dalxiisiyaasha ayaa isku dayay in lacago ugu deeqaan balse
waa uu diiday. “Waxa ay jecel yihiin carruurteyda. Marnaba ma qaadan doono amah
ama in aan aqbalo lacago si aan u quudiyo carruurteyda”, ayuu sheegay Sekar.
No comments