Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Siddeed mar ayaa la xirey balse waxa uu dhisay magaalo dhan.



Magaciisu waa  Bashar Masri, waxa uu xabsi galay muddo siddeed jeer ah, waxa uu ku koray magaalada Naplus ee dalka Falastiin, carruurnimadiisii waxa uu si joogta ah ugu qeyb qaadan jirey duulaanka ay Israel ku dooneyso dhulkooda, isaga oo ku tuuryeyn jirey dhagxaanta, laakiin nasiib xumo dhagaxu awood ballaaran ma lahan.

Si kastaba ugu danbeyn ciidanka Israel ayaa xirey siddeed jeer, kaddib waxa uu xaqiiqsaday in uu u baahan yahay yeelshada saameyn waxtar leh kaddib ayay u suura geshay aadista dalka Mareynkanka si uu usoo diyaariyo cilmiga Ingineerinka.

Waxa uu furay 30 ganacsi oo hantida maguurtada ah kaddibna waxa uu noqday shaqsi taajir ah, sidaa darted waxa uu go’aansaday in uu galo khamaarka ugu weyn ee noloshiisa!

Waxa uu billaabay olole ballaayiin doolar ku kacaya  si uu magaalo cusub ugu dhiso bartamaha Falastiin taasi oo ay ku noolaan karaan 40,000 oo qof iyo 10,000 oo shaqo abuur cusub ah oo looga talagalay bulshada reer Falastiin.

Mashruuciisa waxa uu helay taageero heer caalami ah xittaa ay kamid yihiin Israel-yiin badan, tani waa sheekada layaabka leh ee Bashar oo uu halkii dhagax-tuuryeyn ku jiraa laahaa go’aansaday dhisidda magaalo dhan.


No comments