Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Hindiya: In kabadan 430 qofood oo u Islaamay caddaalad darro




Waxay aheyd dhacdo murugo ah kaddib markii Mettupalayam oo ah xaafad ku taalla waqoyga degmada Coimbatore uu darbi ku burburay kaasi oo sababay geerida 17 qof oo Dalits ah, sidaa darteed ku dhawaad 3000 qofood oo kasoo jeeda bulshada Dalit ayaa ku dhawaaqay in ay aqbaleen diinta Islaamka.

Illavenil, oo ah xoghayaha gobalka Tamil Puligal Katchi, oo la hadlay  India Today ayaa ugu warbixiyay in  430 oo qofood ay aqbaleen Islaamka halka tiro intaa ka badan ay qorsheenayaan in  diinta Islaamka ay aqbalaan.

2 December, ayay aheyd markii roobab waaweyn  oo ka da'ay  Mettupalayam ay sababeen in ay burburaan seddex guri isla markaanna geerida la xaqiijiyay ay gaartay 17 qofood.

Mohammed Abubaker, oo asalka magaciisu ahaa Marx, isla markaanna islaamay kaddib dhacdadii December 2 ayaa yiri: "Waxaan u islaamnay sababo la xiriira caddaalad darro, halkaan waxaa ka jira naceyb ku salleysan mid-takoor. Si caddaalad ahi dadka kale ulama fariisan karno gaadiidka dadweynaha.

Wiil dhallinyaro ah oo magaciisu ahaa Sarath Kumar kaasi oo markii uu Islaamay la baxay magaca Abdullahi ayaa yiri, “ 17 qof oo dadkeenna ayaa dhintay, ma aanan helin codka Hindu. Keliya waxaa noo istaagay walaalaheen Muslimka ah kuwaasi oo nala dibad baxay. Walaalaheen Muslimiinta waxay nagu casuumeen guryahooda. Halka Hinduuda aysan marmaba inoo yeerin. Markii aan Islaamay kaddib waxaan booqday afar ilaa shan masjid halkaasi oo aan ku caabudayo Allaha saxda ah.



No comments