9 sanno jir gacmo la'aan oo heshay laba abaal marin farqurxin ah
Ayana Ellick oo sagaal sanno jir ah isla markaanna deggan gobalka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa si layaab leh ugu soo dhex muuqatay tartan la qabtay iyada oo heshay laba abaal marin oo gobalka ka dhacay, xilli gabadhan ay gacmo la'aan dhalatay sannadkii 2009.
Sida ay ku warameyso Face2FaceAfrica.com, inantan yar ee cajiibka ah ayaa hanatay tartanka farqurxinta qaranka oo uu soo qaban qaabiyay Zaner-Bloser xilli sidoo kale ay billad gaar ah ka heshay Nicholas Maxim oo ku saabsan hab dhigaalka heerka sarre.
Zaner-Bloser ayaa ah shirkad fadhigeedu yahay Ohio taasi oo soo bandhigta fursado cilmibaaris oo la xiriira farqurxinta, akhrinta, dhigaalka, hingaadda iyo ereyada.
Tani waxay soo shaac bixineysaa awoodda gabadha taasi oo dhalatay iyada oo gacmo maran isla markaanna nafsaddeeda ku dhiira gelisay in ay wax qori karto gacmo la'aan.
Ma jirin qof hagayey gabadhan yar, markii ay ku jirtay korriimada ayay billowday in ay wax qori karto iyada oo si maalinle ah sheeyada guriga wax ku dhigi jirtay iyada oo isticmaaleysa qallin. Inantan ayaa ugu danbeyn heshay abaal marin koob ah oo ay u dheereyd lacag dhan $1,000.
No comments